Tuesday, June 24, 2025

SAWIRRO: Howlgalka Ciidamada Milateriga Soomaaliya ku qaadeen Alshabaab-ka Gobolka Sh/Dhexe

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa maalmihii ugu danbeeyay howlgallo ay ka sameeyeen Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxay degaanno dhowr ah ka sifeeyeen Alshabaab.

Degaanada ay dib ula wareegeen ciidamada Xoogga dalka ayaa u dhaxeeya degmooyinka Balcad iyo Afgooye oo muddooyinkii danbe ay Alshabaab falal ammaandarro ah ka fuliyeen, waxaana ciidamada hoggaaminaya Abaanduulaha Ciidamada xoogga dalka Jen. C/llaahi Cali Caanood iyo Taliyaha qeybta 12-ka April Jen. Koronto.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa kormeeray degaanada ay ciidamada xoogga dalka ay howlgallada ka sameeyeen, sida deegaanka Basra iyo tuulooyin dhowr ah.

SAWIRRO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON