Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa laba habeen oo xiriir ah kulamo isdaba jooga la yeeshay saxafiyiinta iyo milkiilayaasha warbaainta Muqdisho.
Kulamadan ayaa ku bilowday dhowr xubnood oo milkiilayasha warbaahinta ka mida kadibna waxaa ku biiray kulankii labaad saxafiyiinta qaarkood oo kulankii labaad ka qeyb galay.
Marka laga reebo sawirradda lala galay, waxay labada dhinac ka wahadadleen xiriir wadashaqeyn oo ay yeeshaan, iyo sidii loo taageeri lahaa dadaallada dowladda Soomaaliya ku jirto, waxaana madaxweyne Farmaajo laga soo xigtay inuu soo dhoweynayo saxaafadda xorta ah.
“Dowlad wanaag lama dhaqangelin karo haddii aan la helin warbaahin madax bannaan oo la xisaabtanta madaxda & hay’adaha dowladda..” ayuu yiri Farmaajo.
DAAWO SAWIRRO
Goobjooge.com