Monday, June 23, 2025

SAWIRRO: La-taliyihii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh oo noqday Safiirka Somalia ee Talyaaniga

Madaxweynaha Dalka Talyaaniga Sergio Matarella ayaa warqadaha aqoonsiga ee Danjirenimo ka guddoomay

danjiraha cusub ee Dowladda Federalka Soomaaliya u fadhin doona dalkaasi Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Ciise.

Munaasabad ka dhacday xarunta Madaxtooyada dalka Talyaaniga ee Magaalada Roma ayuu sidoo kale Sergio Matarella Madaxweynaha Talyaaniga waxaa uu Danjire Cabdiraxmaan ka guddoomay Dhambaal uu ka siday Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Ad

Matarella ayaa safiirka cusub u xaqiijiyey in Dowladda Talyaaniga ay si buuxda ula shaqeyn doonto, una fududeyn doonto gudashada waajibaadkiisa, isigoona qiray in lagama maarmaan ay tahay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskashi ee ka dhaxeeya labada dal.

Danjire Cabdiraxaman Sheekh Ciise, ayaa Madaxweynaha dalka Talyaaniga Sergio Matarella, ugu warbixiyay xaaladda dalka Soomaaliya, iyo sida ay Dowladiisa ugu qanacsan tahay taageerada ay la garab taagan tahay Talyaaniga, waxa uuna sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu dalka Taliyaaniga ka hawlgalo asigoo safiir ah, waxa uuna sheegay inuu wadashaqeyn buuxda la yeelan doonno Dowladda iyo shacabka Talyaaniga.

Danjire Cabdiraxmaan Sheekh Ciise, ayaa noqonaya Safiirkii labaad oo ay Dowlada Soomaaliya u Magacawdo dalka talyaaniga, tan iyo wixii ka dambeeyay bur-burkii dalka kadib. Wuxuuna hore u ahaa la-taliyaha madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ee dhinaca ammaanka.

- Advertisement -

DAAWO SAWIRRO

italia-1italia-2

safiirka-italy

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON