Thursday, June 26, 2025

SAWIRRO: Lo’ macaluul darteed is cuntay markii xabsi lagu geliyay duleedka Muqdisho

Arrin aan hore loo arag  ayaa laga soo sheegay  degaanka Siinka dheer ee duleedka Muqdisho, kadib markii xoolo gaaraya kun neef lagu xareeyay Garaashyo oo lagu macaluuliyay.

Garaashyad waxaa maanta booqday weriyayaal iyo mas’uuuliyiin waxayna soo arkeen xaalad laga naxo oo aan hore loo arag. Lo’da ayaa la sheegay in laga soo celiyay Dalka Sacuudiga, iyadoo la macaluuliyay heer ay gaartay inay iyadii is cunto, cidii u dhow ay cunto, qaarkeed oo bakhitiyay iyo in badan  oo ka mida macaluul weyni ka muuqato.

Lo’da dhibaatada intaas le eg loo geystay ayaa la sheegay in Shirkad laga leeyahay Dalka Masar oo lagu Magacaabo Naas Galoob iyo Soomaali la shaqeysa ay halkaas ku xareeyeen.

Agaasimaha Radio Kulmiye Abwaan Cismaan C.llaahi Guure oo ka mid ahaa dadkii Goobta  booqday ayaa sheegay in arrintaan loo sameynayo xumeynta magaca Xoolaha Soomaaliyaoo aanu weligiis arag  Xoolo Maxaabiis ah. Waxaa kaloo halkaasi ka hadlay Sheekh Yuusuf Indha-cadde.

SAWIRRO

      

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON