SAWIRRO: Madaxweynaha Kenya oo booqasho qarsoodi ah ku yimid Soomaaliya [Maxay ka ogeyd dowladda Somalia..?]

0

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa socdaal lama filaan ah oo qarsoodi ahaa ku tegay gudaha Soomaaliya, isagoo booqday ciidamada Kenya ee jooga Soomaaliya.

Uhuru Kenyatta ayaa booqday ciidamada Kenya ee saldhigoodu yahay degmada Dhoobley ee Gobolka Jubadda hoosem halkaasoo xarun weyn u ah ciidamada Kenya.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Kenya ayaa lagu sheegay in booqasho taariikhi ah uu madaxweyne Uhuru ku tegay Dhoobley, ujeedkiisuna ahaa inuu niyad dhis u sameeyo ciidamada Kenya ee ka mida howlgalka AMISOM.

“Joogitaankiina Soomaaliya wuxuu badbaadiyay nafaf fara badan, Kenyaankuna weligood waa idinku faani doonaan. Joogitaankiina wuxuu ugu ayaan dadka ka xoreeyay cabsidii ay ka qabeen Alshabaab” ayuu yiri Uhuru Kenyatta oo intaas raaciyay in Dalxiiskii Kenya oo dib u soo noolaaday.

Wuxuu sheegay in dowladda cusub ee Soomaaliya ay kala hadlayaan sida ay muhiimka u tahay inay dhistaan ciidamadooda milateriga si ciidamada Kenya ay dalkooda ugu laabta, taasina ay tahay qorshaha ay uga baxayaan Soomaaliya.

Madaxweynaha Kenya ayaa ku jir olole doorasho oo adag, waxaana loo arkaa inay booqashadan qeyb ka tahay xilli ay mucaaradka dalbanayaan iny ciidamada Kenya laga saaro Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka war qabin booqashada qarsoodiga ahayd ee madaxweynaha Kenya maanta ku tegay degmada Dhoobley.

DAAWO SAWIRRO

Goobjooge.com