Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa qeyb ka mida maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa la qaata Cutubyo ka tirsan Ciidan Xoogga Dalka.
Madaxweynaha oo qado sharaf u sameeyay saraakiil iyo ciidamo ayaa ku booqday xaruntooda “Waxaan maanta halkan idin kugu imid in aan idin soo booqdo aan arko sidaad u nooshihiin, idinla Ciido waxaan idiin sheegayaa in aa tihiin astaantii Qaranka ilaalinaayay Madaxda Dalka ,waajibaadka idin saaranna uu yahay mid Culus”ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweyne Farmaajo ayaa arin xusuus mudan ku tilmaayay talaabadii dhawaan uu qaaday Ururka 60-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka oo qeyb ka mid ah mushaarkooda ay ugu hibeeyeen Qoosas dan yar ah.
“Runtii waxaan aad idin kugu mahad calinayaa sidaad usu xilqaanteen ayaan dhaweed oo aad mushaaradiina ugu goyseen dadka masaakiinta ee liinta, waxayna muujineysaa in aad quluubta kala socotaan dadka Masaakiinta ah, waan howsha laga rabo in uu sameeyo qofka Ciidanka ah”ayuu raaciyay Madaxweyne Farmaajo
Qaar ka mid ah Saraakiishii iyo Ciidamadii la Ciiday Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa muujiyay niyad samida ay ku abuurtay waqtiga uu siiyay Madaxweynaha Maanta oo Maalin Ciid ah.