Monday, July 14, 2025

SAWIRRO: Meydka Marxuum Cali Khaliif oo maamuus Qaran loogu sameeyay Muqdisho iyo Madax ka qeyb gashay

Meydka Ra’iisal wasaarihii hore ee Sooomaaliya Marxuum Cali Khaliif Galeyr ayaa laga geeyay Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho, iyadoo diyaarad ay ka qaaday Magaalada Jigjiga oo Khamiistii hore ee 8-da Oktoobar uu ku geeriyooday.

Salaadda janaasada ayaa lagula tukaday Hoolka Shiraria ee Afisyoone, iyadoo ay boqolaal dad ah ka qeyb galeen oo u badan madaxda dowlada Soomaaliya iyo eheladiisa, iyadoo kadib aas qaran loogu sameeyay qabuuraha Dugsiga Sare ee Booliska.

Aaskan Qaran ee loo sameeyay Marxuum Cali Khaliif Galeyr waxaa kasoo qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisul Wasaare kuxigeenka XFS Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed, Wasiiro, Xildhibaano, Ehelada Marxuumka, Odayaal dhaqan iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Wadooyinka Muqdisho ayaa intooda badan la xiray munaasabadda aaska Qaran awgiis, waxaana ka qeyb galaya janaasadda iyo aaskii Madaxda Dowlada Soomaaliya, iyo mas’uuliyiin fara badan oo ka tirsan Golayaasha dowladda Federaalka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON