Wednesday, June 25, 2025

Sawirro: Muungaab oo guddoomiyaha cusub ee G/Banaadir ku soo wareejiyay xarumaha Dowladda Hoose

Guddoomiyah xilka sii haya ee Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta xafiisyada dowladda hoose ee Muqdisho ku wehliyay socdaal wareeg ah oo Guddoomiyaha cusub u magacaaban maamulka Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).

Guddoomihaha hore iyo midka Guddoomiyaha cusub oo wada socda ayaa ku wareegay xafiisyada xarunta dhexe ee dowladda hoose waxaana asi diiran u soo dhoweeyay shaqaalaha iyo maamulka gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha cusub oo lagu wado in Isniinta xilka uu la wareego ayaa sidoo kale la geeyay xarunta Dab-damiska dowladda Hoose isagoo kormeeyay gaadiidka xaruntaasi ku howl gasho, iyo xarunta  Maamulka Gobolka Banaadir ku lahaa degmada Huriwaa, oo fadhi u ahayd  guddoomiyihii hore.

Guddoomiyihii hore Muungaab ayaa uga warbixiyay Guddoomiyaha cusub, sida ay u socdaan howl maalmeedka dowladda Hoose, waxaana uu u cadeeyay inuu la shaqeyn doono inta karaan-kiisa, isla markaana uu garab joogo. Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir wuxuu isna amaanay  sida ay u socdaan howlaha xafiisyada dowladda Hoose, isagoo uga mahad celiyay Guddoomiyihii hore ee Muungaab waxqabadkiisii.

DAAWO SAWIRRO
madale (2)

madale (3)

 

 

madale (4)

madale (5)

madale (6)

madale (7)

madale (8)

madale (9)

madale (10)Yusuuf

madale (11)

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON