Qarax is-miidaamin ahaa oo maaanta ka dhacay agagaarka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah laga helay.
Qaraxa oo lala beegsaday taliyaha cusub ee ciidamada xoogga dalka, aya waxaa ku dhintay dad badan oo shacab ah kuwaasoo la socday gaari BL ah.
Dadka ku dhintay qaraxa ayaa sare u dhaafay 8 qof iyadoo tiro badan ay ku dhaawacmeen, waxaana ka mid ahaa askar ilaalo u ahayd saraakiisha ciidamada.
Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay weerarka oo ahaa mid uu fuliyay qof is miidaamiyay oo gaari  miineysan watay.