Monday, June 23, 2025

SAWIRRO QOSOL LEH: Ceeb miyaa inay Madaxdu ku dhex hurdaan goobaha caamka ah?

Waxaa dhowaanahan hareeyay baraha bulshada Soomaalidu ku xiriirto dood ku saabsan sawir laga qaaday madaxweyne Xasan Sheekh oo hurdo la tagtay xilli uu saarnaa Bas gudaha xerada Balidoogle ee gobolka Shabeelaha Hoose halkaasoo uu tababar ugu soo xiray ciidamo ka tirsan Kumaandooska Mareykanku u tababaray Soomaaliya.

Sawirka oo uu bartiisa Facebook soo dhigay darwal ka mida shaqaalaha Balidoogle oo si qaraaxo iyo kaftan ku jiro ula wadaagay saaxiibadii, ayaa u keenay in isagii shaqada laga joojiyo, muddana la xiro, laakiin waxaa ka darran dad fara badan oo hurdada ama lulumada qabatay madaxweynaha uga dhigay caay iyo inuu yahay qof aan xil qaadi karin.

Waxay dadkaasi iloobeen in bani’aadamku taag darran yahay oo gamaanyo iyo hurdo ku qaban karto xaalad kasta iyo meel kasta.

SAWIRADA HOOSE WAXAY MUUJINAYAAN MADAX KALA DUWAN OO KAAMERADU QABATAY IYAGOO SHIRAR KU JIRA CAALAMI AH QAARKOOD OO HADDANA AY HURDO LA TAGTAY

angela-merkel
HAWEENEYDA U TALISA JARMALKA ANGELA MARKEL OO KU HURDOOTAY SHIRKII YURUB
Gordon Brown
Ra’iisal wasaarihii hore ee Ingiriiska Gordon Brown oo hurdo la dhacay, goobtu waa Golaha ammaanka ee Q/Midoobay oo xaalada Ciraaq looga hadlayay
Mugabe
Madaxweynaha Zimbabwe Robert Mugabe oo ka mida madaxda dunida ugu hurdo macaan, wuxuu fadhiyaa shirka Midowga Afirka
Obasanjo
Madaxweynihi hore ee Nayjeeriya Obasanjo oo hurdo gashtay goob xaflad ka dhaceysay
Pope Benedict XVI
Baadariga ugu weyn Kaniisada katooliga Pope Benedict XVI oo hurday xilli xasaasi ahaa
Shinzo Abe
Ra’iisal wasaaraha Japan Shinzo Abe oo hurdo ku qabatay xaflad ay ku wehliyeen madax badan
Silvio Berlusconi
Silvio Berlusconi ra’iisal wasaarihii hore ee Talyaaniga oo ku hurdaya casho shir
xasan-hurdo
Madaxweynaha Soomaaliya oo sawir lagu xaday isagoo hurdaya bas dhexdiis
Musavenu
Musaven iyo madax kale oo Afrikaan ah waa kuwan iyaguna hurdaya shir caalami ah dhexdiisa
Obama
Madaxweynaha Mareykanka oo shir xasaasi ah ku dhex hurdooday isna waa kan

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON