Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre rajo ka muujiyay inay la soo wareegayaan tiro kale oo maxaabiis ah oo ku xiran dalalka Seychelles iyo Mauritius ee dhaca badweynta Indian Ocean ee qaarada Afrika.
Kulamo uu magaalada Addis Ababa kula qaatay RW Kheyre madaxweyne kuxigeenka Seychelles Vincent Meriton iyo ra’iisul wasaaraha Mauritius Pravin Jugnauth, waxayna kulamadaasi oo ahaa kuwo gooni gooni ah uu Kheyre ka dalbaday dalalkaasi in ay kusoo wareejiyaan maxaabiista ay Soomaaliya ka hayaan.
Maxaabiista dalalkaasi ku xiran ayaa loo haystaa dambiyo la xiriira burcad badeednimo.
Tallaaybadaan ayaa kusoo beegan iyadoo dowladda Itoobiya ku wareejisay dowladda Soomaaliya tiro maxaabiis ah oo u badan tahriibayaal si sharci daro loo soo qabqabtay iyo dad xukumadooda dhameystay.