Dhoolatuskan ayaa socon doona shan maalmood waxaana ka qaybqaadan doona 300,000 oo askari, waxaa kale oo lagu soo bandhigi doonaa waxyaabihii dhoolatusyada lagu soo bandhigi jiray xilliyadii Midowgii Sovietku talinayay.
Dawladda Shiinaha ayaa dhoolatuska “Vostok-2018” kaga qeyb galinaysa 3,200 oo askari oo wata gawaarida qafilan iyo diyaaradaha dagaalka. Mongolia ayaa sidoo kale cutubyo u diraysa, laakiin Ruushka ayaa ku soo bandhigaya cududdiisa milateri kadib dagaalweynihii labaad ee dunida.
Wasiirka Difaaca Ruushka ayaa shaaciyey in Dhoolatuska oo ah kii ugu weynaa abid ay ka qeyb qaadaanayaan, 300,000 askari, 36,000 Gawaari gaashaaman, 1,000 diyaaradood iyo 80 Maraakiibta dagaalk ah.
Dhoolatuskii u dambeeyay ee baaxaddan leh wuxuu dhacay 1981-dii markaas oo uu socday dagaalkii qaboobaa balse dhoolatuskan Vostok-2018 ayaa ka askar badan.
Wuxuuna imaanaya wakhti ay xiisad dhex taallo ururka Nato iyo Ruushka. Xiriirka Ruushka iyo gaashaan buurta Nato ayaa sii xumaanayay tan iyo markii uu Ruushku gobolka Crimea ka goostay Ukraine sannadkii 2014kii.
DAAWO SAWIRRO IYO VIDEO