Boqolaal ka tirsan taageerayaasha Wadaadka Shiicada ah ee Reer Ciraaq Muqtada Asadr ayaa maanta bannaanbax ku galay khadka cagaaran ee magaalada Baqdaad, halkaasoo ay ku yaalaan hay’adaha dowlada, safaaradaha shisheeye iyo dhismooyinka looga taliyo dalkaasi.
Dadka Banaanbaxa dhigaya ayaa dalbanaya in la dhiso xukuumad aan ku saleysneyn qoondeyn kooxo iyo beelo oo laga keeno dad aqoonyahanno ah iyadoo Baarlamaankaasi ku fashilmay inuu arrintaasi go’aan ka gaaro.
Wadaadka kooxdan hogaamiya ee Muqtada Sadr ayaa isna hore ugu baaqay in dowladda Musuqa badan ee Baqdaad fadhida la kala diro lana dhiso xukuumada aan kooxo iyo mad-hab ku dhisneyn.
Bannaabaxayaasha oo si nabadoon ku galay degaanka Cagaaran ee sida weyn loo ilaaliyo ayaa xoog ku galay xarunta Baarlamaanka waxayna jejebiyeen baabuur ay lahaayeen xildhibaanada, iyagoo sidoo kale gacanta ula tegay qaar ka mida xildhibaanada.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Ciraaq Saliim Aljaburi ayaa ugu baaqay Wadaadka Muqtada Sadr inuu bannaanbaxayaasha kala baxo baarlamaanka Ciraaq, isagoo uga digay in dowladda Ciraaq ay burburi doonto haddii sidan xaaladu ku socoto.