Friday, July 11, 2025

SAWIRRO: Wasiirka Amniga & Guddoomiyaha G/Banaadir oo soo dhoweyn loogu sameeyay Deyniile

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abukar Islow (Ducaale), ayna ka mid yihiin Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed iyo taliyaha Booliska ayaa maanta tegay xarunta degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir.

Wafdiga ayaa la sheegay inuu ujeedkoodu ahaa kormeer loogu kuur galayo xaalada degmada Dayniile, waxaana ay soo dhoweyn u sameeyay odayaasha, waxgarada, madaxda iyo bulshada degmada Deyniile.

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ayay u ahayd markii ugu horeysay iyo degmadii ugu horeysay ee uu booqdo tan iyo intii uu xilka la wareegay, wuxuuna tallooyin ka dhageystay bulshada degmada Dayniile.

Munaasabad soo dhoweyn ah ayaa wasiir Ducaale iyo Guddoomiye Taabid loogu sameeyay Dayniile, waxaana ka dhex muuqday madax kasoo jeeda degaanka oo uu ugu horeeyo Xildhibaan Mustaf Dhuxulow iyo Gen. C/llaahi Gaafow.

SAWIRRO

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON