Qoraa caan ah oo u dhashay dalka Jordan ayaa lagu dilay bannaanka maxkamad u socotay, isagoo ku eedeysnaa dacwad ku saabsan inuu u gefay diinta.
Qoraaga oo lagu magacaabo Nahiid Xattar ayaa la sheegay in nin dabley ah uu rasaas ku furay xilli uu sii galayay Maxkamada, waxaana haleelay saddex xabadood, sida ay soo werisay wakaalada wararka Jordan.
Wuxuu ku eedeysnaa in sawir gacmeedyo kartoon ah uu adeegsaday isagoo ku gefay diinta islaamka. Waxaana falkan uu ka dhacay degmadda Cabdale ee caasimadda Cammaan.
Xatar ayaa ahaa nin heysta diinta Kirishtaanka oo 56 sano jir ah, waxaana la qabtay 13 Ogost markii uu boggiisa facebook ku faafiyay sawir gacmeed muujinaya nin garweyn ah oo sheekh islaam ah loo ekeysiiyay oo sariir la jiifa haweeney, kaasoo Alle weydiisanaya inuu siiyo Khamro.
Dadka Jordan ayaa arrintaasi u arkay mid lagu ihaaneynayo diinta islaamka, waxaana qoraaga oo ahaa nin taageera madaxweynaha Suuriya iyo aftahan dood-yaqaan ah lagu soo oogay kiiska loo heystay, waxaase damiin lagu sii daayay September.
Goobjooge.com