Tuesday, July 15, 2025

Saxafiyad Mareykan ah oo Maxkamad lagu soo taagay Zimbabwe markii ay ku jeesjeestay Robert Mugabe [Sawirro]

Gabadh wariye ah oo u dhalatay dalka Mareykanka ayaa la soo taagay maxkamad ku taalla magaalada Harare ee dalka Zimbabwe.

Gabadhan ayaa lagu soo oogay dacwad ah in ay isku deyday in ay Inqilaabto dowladda Zimbabwe. Martha O’Donavan ayaa la xiray Jimcihii ka dib markii sida la sheegay ay soo dhigtay barta Tweeter-ka qoraal minjaxaabinaya awoodda madaxwayne Mugabe.

Qareenkeeda ayaa sheegay in lagu eedeeyay in ay samaysay bar Tweeter ah oo la soo dhigo fariimo dadka ree Zimbabwe ku dhiirigalinaya in ay dowladda jirta ay xukunka ka tuuraan.

Booliiska dalka Zembabwe ayaa waxa ay sheegeen in gabadhani ay barta Tweetre-ka ay ku soo qortay”Waxaa na hogaamiya nin Bakhiil ah oo xanuunsan,”.

Haddii dambiga lagu eedeeyya lagu helo waxa ay wajihi kartaa ugu yaraan 20 sano oo xarig ah. Ms O’Donovan oo shaqaysa shirkada lagu magacaabo satirical video outlet aya beenisay eedeeymaha loo soo jeediyay.

Waxa ay eedeymaha ku tilmaamtay in ay yihiin kuwa aan sal iyo raad lahayn. Maxkamada ayay maanta  kasoo muuqatay saxafiyaddan oo la sheegay inaysan helin qareen u dooda, waxayna maxkamadda ka sheegtay in eedeynta loo jeediyay aysan sal lahayn, haddiise lagu helo dembiga waxay wajihi kartaa xarig 20 sano ka badan.

U.S. Citizen Martha O' Donovan, right, appears at the Harare Magistrates court escorted by a plain clothes police officer shielding her face in Harare, Saturday, November, 4, 2017. Police arrested and charged Donavan with subversion for allegedly insulting President Robert Mugabe on Twitter as a "sick man," lawyers said Friday. The offense carries up to 20 years in prison. Photo: Tsvangirayi Mukwazhi, AP / Copyright 2017 The Associated Press. All rights reserved.

U.S. Citizen Martha O' Donovan, center, appears at the Harare Magistrates court in Harare, Saturday, November, 4, 2017. Police arrested and charged Donavan with subversion for allegedly insulting President Robert Mugabe on Twitter as a "sick man," lawyers said Friday. The offense carries up to 20 years in prison. Photo: Tsvangirayi Mukwazhi, AP / Copyright 2017 The Associated Press. All rights reserved.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON