Saturday, July 12, 2025

Saxafiyiinta Boosaaso oo qeylo dhaan ka soo saaray halis kasoo wajahday Guddoomiyaha Bari

Saxafiyiinta howlgala magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa cabasho xoog leh ka muujiyay hab-dhaqanka Guddoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo) oo ay sheegeen inuu caga-jugleyn iyo hanjabaad ku hayo, halisna ku yahay shaqadooda.

saxafi-1

Shir ay isugu yimaadeen saxafiyiinta Boosaaso ka howlgala oo ay ku sugnaayeen ururka saxafiyiinta Puntland ee MAP iyo saxafiyiin hore looga dooday caqabadaha Saxaafayiinta iyo maamulka Gobolka Bari. Waxaana laga caddeeyay shir jaraa’id oo ay qabteen kulanka kadib Guddoomiyaha Bari uu xarig  iyo qabasho la daba taagan yahay saxafiyiinta.

Tacadiyadii ugu danbeeyay ayay  sheegeen saxafiyiinta inuu ka mid yahay amar  lagu xirayo wariye Ibraahim Siciid Saalax oo la soo saaray oo saxafiyiintu ay ku tilmaameem sharci darro ah. Gudoomiye ku xigeenka Ururka suxufiyiinta Puntland Maxamed Maxamuud Welcome ayaa ugu baaqay  Barlamaanka Puntland iyo Guddoomiyaha xuququl insaanka Puntland inay faragalin arintan ku sameeyaan.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON