Saxafiyiinta ka howlgasha magaalada Baydhabo ayaa laga hor istaagay shirka Amniga oo ka furmay magaalada iyadoo ciidamada amniga ay u diideen inay dhaafaan koontaroollada laga ilaaliyo xarunta shirka.
Weriyeyaasha oo shalay ku dhawaaqay shaqo joojin markii ay cabasho ka muujiyeen jirdil iyo handadaad ay kula kaceen mas’uulyiintii shalay gaaray magaalada Baydhaba qaarkood ayaa la xaliyey cabashadooda markii ay is arkeen wasiirka warfaafinta maamulka Xasan Cabdi Maxamed.
Wararka laga helayo magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in iyadoo heshiiskaas ku socda ay ciidamada ka hor istaageen shaqadooda, tasoo ka danbeysan in Taliska ciidamada maamulka K/Galbeed ay qaateen go’aan ah inaysan weriyeyaasha geli karin xarunta shirka ka socdo.
Xaaladda ayaa weli taagan, waxaana socda xiriir ay yeelanayaan maamulka K/galbeed iyo saxafiyiinta fadhigoodu yahay magaalada Baydhaba.