Seminaar looga hadlayay maalgashiga Soomaaliya iyo dhinacyada kheyraadka Soomaaliya la maalgashan karo oo ay ka qeyb galeen Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Dubai ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta.
Waxaa shirkan lagu soo bandhigay kheyraadka Soomaaliya iyo fursadaha maalgashi ee ka jira dalka, iyadoo dhinaca Imaaraadka Carabta ay seminaarka ku sugnaayeen mas’uuliyiin uu hogaaminayo wasiir ku xigeenka arrimaha dibada Imaaraadka ee dhinac dhaqaalaha Khaalid Gaanim.
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Hadliye Cumar ayaa sheegay in kulanku guul ku soo dhamaaday, isla markaana ay sii xoojineyso xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.
Wakaalada wararka Imaaraadka Carabta oo warkan aanu ka soo xiganay ayaa tebisay in ujeedka seminaarka uu ahaa kordhinta iskaashiga labada dhinac iyo sidii dhinaca dhaqaalaha ay isaga kaashan lahaayeen labada dowladood iyadoo la kordhinayo ganacsiga iyo maalgashiga.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-7″]