5 ka mida eedeysanayaan ka koobnaa 13 oo maxkamadu magaalada Kamlpala ay ku heshay inay lug lahaayeen qaraxyo ka dhacay Baar lagu daawanaayay tartanka koobka kubbadda cagta ee dunida 2010 magaalada Kampala ayaa lagu riday xukun xabsi daa’im ah.
Shanta nin ee qaraxyada Kampala ku eedeysnaa, waxay Maxkamadu sheegtay inay lagu helay dembigii lagu helay ee ahaa qarax lagu qaaday Baar lagu daawanayay ciyaartii kama dambeysta ahayd ee koobkii caalamka ee kubadda cagta ee FIFA ee sanadkii 2010, iyagoo ka tirsanaa urur argagixiso ah.
Dadka dembiyada lagu helay ayaa dhammaantood ah dad u dhashay Kenya, Uganda iyo Tanzania. Weerarka qaraxyada waxaa lagu dilay 70 qof in ka badan.
Goobjooge.com