Saturday, June 28, 2025

Shanta wasiir ee wasaaradda Dastuurka Soomaaliya oo ku heshiiyay 10 qodob

Shir magaalada Muqdisho uga socday wasiirka dastuurka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wasiirada maamulada dalka ka jira oo looga doodayay qodobada dib loo eegayo ee Dastuurka KMG ah ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho iyadoo Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid uu ka qeybgalay xeritaankii shirkaasi.

Wasiiradadastuurka

Shirka oo ay soo qabanqaabisay wasaradda Dastuurka ee xukumaddda Soomaaliya  ayaa looga hadlay dardar gelinta geedi socodka  dib u eegista dastuurka KMG ah ee dalkeena  iyo sidii maamul gobolyeedyadu ay kaalin ugu yeelan lahaayeen howlaha dib u habaynta dastuurka,

Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee xukuumadda Soomaaliya  Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa sheegay in 10 qodad oo aan la soo bandhigin ay isku  afgarteen  dhinacyadii shiray in  dib u eegis looga sameeyo Dastuurka dalka.

Ra’iisal wasaaraha oo shirka soo gabagabeeyay ayaa tilmaamay  in dastuurka  dib u egistiisa lagu saleeyo in uu noqdo mid ka  shaqeeya horumarka iyo midnimadda ummadda Soomaaliyeed. Wuxuuna intaas ku daray in sameynta dastuur ay qaado tobanaan sano.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON