Home Madaxtooyada Shantii Ballanqaad ee Madaxweyne Farmaajo kasoo bixi waayey....

Shantii Ballanqaad ee Madaxweyne Farmaajo kasoo bixi waayey…. [Akhriso Warbixinta]

-

- Advertisement -

Waxaa laba sano jirsatay dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la doortay 8-dii bishi Febraayo 2017, iyadoo weli ay shacabku is-weydiinayaan waxa ka hirgalay ballanqaadyadii uu madaxweyne Farmaajo sameeyay markii uu mushaaxa ahaa.

Khudbadii uu Baarlamaanka ka jeediyay Madaxweyne Farmaajo markii uu ahaa musharaxa, waxay hadalkiisa ka dheehan kartay waxyaabo badan oo ay adag tahay in laga hirgaliyo Soomaaliya, kuwaasi oo madaxweynaha uu ballan qaaday, balse dhaqan-gelintoodu u suurageli weayeen, qaarkoodna waqtigii uu qabsaday la dhaafay.

- Advertisement -

4 sano waa xilliga guud ee ay heysato dowladda, ka hor inta aan doorasho kale la qabanin, haddana waxaa gudubtay 2 sano oo wakhtigaas kalabarkiis ah.

1- Dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab

Amniga wuxuu ka mid ahaa qodobbada ugu waaweyn ee uu Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku ol’oleynayay, xilligii uu musharraxa madaxweyne ahaa.

Waxyaabah ugu horeeya ee tusaalaha loo soo qaadan karo, aadna loo xusuusto ayaa waxaa kamid ah ballantii uu qaaday oo ahayd soo afjaridda dagaal ka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa markii uu khudbadda baarlamaanka ka jeedinayay xilligii uu musharaxa madaxweyne ahaa wuxuu sheegay iney sameyn doonaan dadaallo lagu cirib tirayo dhaqdhaqaaqa Al Shabaab, laakiin isagoo madaxweyne ah, mar uu khudbad ka jeedinayay munaasabaddii xuska 57-aad ee aasaaska ciidanka xoogga Soomaaliya, 12-kii bishii Abriil 017-kii, wuxuu wakhtiyeeyay xilliga looga adkaan karo kooxda Al Shabaab ee dagaalka kula jirta dowladda Soomaaliya.

“Ciidan aan lahayn shacab ma guuleysan karo. Ciidanku wuxuu guuleysan karaa markii uu ogyahay inuu heysto taageerada shacabkiisa iyo dowladdiisa. Annagu haddaan qeybteenna la imaanno, oo dhankii dowladnimada ah, oo dhameystireysa wax walba oo loo baahan yahay, shacabkana ay garab istaagaan, waxaan xaqiijineynaa muddo 2 sano ah shabaab inaan dalka uga cirib tirno, hadduu Ialaahey yiraahdo”.

Farmajo April 2017

Balse ballan qaadkan, inkastoo uu shacabka dadaalkooda qeyb uga dhigay, ma suurtoobin wali.

2- Abaalmarimnta dadka soo sheega qaraxyada

Madaxweyne Farmaajo waxaa kale oo uu barlamaanka hortiisa ka ballan qaaday in qofkii soo sheega maclumaad la xiriira cidda fulisa qaraxyada dhaqdhaqaayada amni darrada la siin doono abaalmarin.

“Dagaalakan waa dagaal dhab ah, waa dagaal xaq ah, sirdoonka oo la xoojiyo aqoontooda, waxaan aaminsanahay in baabuurta la qarxinayo ee lagu weerarayo huteelada shacabka na leynay in wax laga qaban karo, waxaa wax looga qaban kara na ay tahay in hal malyan oo doolar bil walba meel loo dhigo, qofkii soo sheega baaburkaasi qarxayana boqol kun oo doolar la siiyo, hadii uu rabana dibadda loo diro”, Ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa xiligaasi sidoo kale ballan qaaday in haddii la doorto ay dowladiisa dib u dayac tiri doonto dhismayaasha ku burbura qaraxyada Al Shabaab, sidoo kalena dadka ku dhinta qaraxyada Shabaab magdhaw lasiin doono.

Balse dhammaan ballan qaadyadan fulintooda wali lama soo tabinin, iyadoo hadda ay dowladdu jirto muddo 2 sano ah.

3- Musuqmaasuqa

Dhanka musuqmaasuqa, khudbaddii madaxweyne Farmaajo ee baarlamaanka, ka hor inta aan madaxweynaha loo dooranin, wuxuu ku sheegay in Soomaaliya ay 10-kii sano ee lasoo dhaafay meel hoose uga jirtay liiska waddamada ugu musuqmaasuqa badan caalamka, wuxuuna ballan qaaday inuu arrintaas wax badan ka baddali doono, haddii xilka uu raadinayay loo doorto.

“Sannadkii 10-aad, waddamada ugu musuqmaasuqa badan adduunka waxaan uga jirnaa lambarka 176, waddanka ugu horreeya na waa Denmark, maxaa marka noo diiday inaan Denmark la tartanno”, ayuu yiri Farmaajo.

Hadda oo uu Soomaaliya 2 sano madaxweyne ka yahay, war bixintii ugu dambeysay ee ay hay’adda Transparent internatuional soo saartay waxay ku sheegtay in sannadkii 2018-ka ay Soomaaliya lambarka ugu hooseeya ka gashay waddamada uu musuqmaasuqa hareeyay.

4- Wadahadaladii Soomaaliya iyo Somaliland

Tan iyo markii la doortay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa hakad galay wadahadaladii u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Somnaliland, kuwaasi oo soo socday tan iyo dowladii Shariif Sheekh Axmed.

Inakstoo aysan jirin sabab rasmi ah oo ku aaddan arrintaasi ayaa haddana Somaliland waxay sheegtay in wadahadal iska daaye ay dowladda Farmaajo ku eedeeyeen inay “cunaqabateesay” Somaliland.

5- Safarrada badan ee dibadda

Markii uu musharraxa ahaa Farmaajo wuxuu khudbaddiisii baarlamaanka ku sheegay in haddii la doorto uu yareyn doono safarrada dibadda, taas baddalkeedana wixii safar dibad ah ay ku shaqo lahaan doonto wasaaradda arrimaha dibadda oo kaliya.

Dowladdii ka horreysay ayuu ku dhaliilay iney safarradeeda ka baxsan wasaaradda arrimaha dibadda aad u badnaayeen, laakiin muddo laba sano ah wuxuu 10 safar dheeraaday madaxweynihii ka horeeyay.

- Advertisement -

WARARKA MAANTA

Madaxtooyada Somaliland oo jawaab kulul ka bixisay baaqii Madaxweyne Farmaajo ee Midnimada.

Maamulka Somaliland ayaa si kulul uga jawaabay baaqii kasoo yeeray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ee munaasabadda 26-ka June, isagoo Somaliland ugu...

Dowladaha Soomaaliya iyo China oo sameystay Guddi qaabilsan Dhaqaalaha iyo Ganacsiga.

Dowladaha Somalia iyo China ayaa sameystay Guddi qaabilsan dhaqaalaha iyo ganacsiga, kadib wadahadal dhex maray wafdi uu hoggaaminayo Ra'iisal wasaare ku...

Ra’iisal wasaare Kheyre fagaare kula halday dadweynaha Caddaado, una mahadceliyay Madaxweyne Xaaf (Daawo)

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Cadaado, isagoo safar dhulka ah uga tegay magaalada Dhuusamareeb, waxaana soo dhoweyntiisa ka qeyb galay...

Xaaf oo degaanka Godinlabe uga hortegay Ra’iisal wasaare Kheyre & Wararkii ugu danbeeyay.. {Sawirro}

Wafdiga Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xilligan ku dhow inuu galo magaalada Caddaado, isagoo soo maray dhinaca dhulka safar uu...

Gaari ay leeyihiin Ciidamada AMISOM oo saddex Qof ku dilay Ceelasha Biyaha, kana tegay meydadkooda.

Wararka laga helayo duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in gaari ka mida kolonyada ciidamada Amisom uu dulmaray Mooto yar ay la socdeen...

New Special Representative of UN Secretary-General pledges collaboration with AMISOM

The Special Representative of the UN Secretary-General for Somalia, James Swan has recognised the critical role played by the African Union troops...

MUST READ

Mareykanka oo shaaciyey Qorshe bannaanka Maxkamadda ICJ lagu xalinayo Kiiska Badda ee Somalia & Kenya

Safiirka Mareykanka ee dalka Kenya Ambassador Kyle McCarter ayaa markii ugu horeysay ka hadlay mowqifka Mareykanka ee ku saabsan dacwadda Badda ee...

Xaaf oo ogolaaday inuu la kulmo Wasiir Sabriye & Wararkii ugu danbeeyay ee Dhusamareeb..

Wararkii ugu danbeeyay magaalada Dhuusamareeb xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu weli halkaasi ka socdo dadaal lagu doonayo in lagu kulansiiyo Madaxweynaha...

Wararkii ugu danbeeyay xaaladda Madaxweyne Xaaf iyo Shirar xasaasi ah oo ka socda Dhuusamareeb..

Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya inay weli halkaasi ka socday kulamo xasaasi ah oo ku saabsan mustaqbalka...

Afgembi siyaasadeed miyey Ahlu-suna ku sameysay Xaaf.? [Maxaa ka socda magaalada Dhusamareb]

Isbedello siyaasadeed iyo xaalad kala duwan ayaa kasoo cusboonaaday magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud iyo maamulka Galmudug, kadib markii uu soo...

TOOSHKA GOOBJOOGE

error: Content is protected !!