Shaqaalihii markabka Naham 3 oo muddo ka badan 4 sano lagu heystay gobolka Mudug ayaa maanta la sii daayay.
Burcad badeed Soomaali ah oo gobolka Mudug madax furasho ugu heystay shaqaalahan ayaa la sheegay inay heleen lacag madax fursho ah, waxayna sii daayeen 26 shaqaale ah oo markabka la socday, iyadoo ay u dhinteen kabtankii markabkan iyo laba ka mida shaqaalaha.
Markabka Naham 3 oo watay calanka Taiwan ayaa loo maleunayaa inuu kaluumeysi sharci darro ah ka waday xeebaha Soomaaliya, waxaana gacanta ku dhigay burcad badeed fadhigoodu ahaa magaalada Hobyo bishii Maarso 2012.
Xaalada shaqaalahan ayaa ahayd mid liidata iyagoo muddo afar sano ka badan lagu hayay miyiga gobolka Mudug. madaxfurashada laga bixiyay shaqaalahan ayaa wax faahfaahin ah laga bixin, inkastoo ay burcad badeedka hore u dalbadeen 3 Milyan oo Doolar.
Shaqaalaha la sii daayay ayaa xalay ahaa la geeyay Magaalada Gaalkacyo waxaana la filayaa in maanta loo duulinayo magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Goobjooge.com