Shaqaale Soomaali ah oo u shaqeeya urur samafal oo ka howgaleysay gobolalda Bay iyo Bakool ayaa lagu afduubtey duleedka egmooyinka Buur-hakaba.
Shaqaalahan oo ka koobnaa 7 ruux (4 haween ah iyo 3 rag ah) ayaa la socday Gaari NOAH ah oo ku sii jeeday magaalada Baydhabo ayaa waxaa dhexda u galay maleeshiyo loo maleynayo inay ka tirsan tahay Alshabaab.
Shaqaalahan ayaa dhammaantood u shaqeeya NGO lagu magacaabo GREDO oo ka howgalla degaanadaasi, kaasoo gacansaar la leh hay’ado caalami ah.