Friday, June 27, 2025

Shaqaalihii Masaarida ee diyaaradda Tristar Air ee ku dhacday degaanka Carbiska oo Muqdisho lagu xiray

Waxaa magaalada Muqdisho ku xayiran shaqaalaha diyaaradii Tristar Air ee laga lagaa dalka Masar oo dhowaan ku dhacday duleedka Muqdisho, sida uu qoray wargeyska Al-Bawaabah News ee dalka Masar waxaa  shaqaalaha diyaaradda oo gaaraya 7 qof ku xayiran yihiin garoonka diyaaradaha Muqdisho iyadoo ay gacanta ku heyso Qaramada Midoobay loona diiday inay dalkaada ku laabtaan.

cargo-air-4

Waxaa la sheegay in shaqaalaha diyaaradda dhacday laga qaatay Baasabooradoodii loona diiday inay dhoofaan, waxaana loo sheegay in baaritaanno ay ku socdaan. Baasabooradooda ayaa la sheegay in loo gacan geliyay dowladda Soomaaliya. Mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda duulimaadka Masar  ayaa la sheegay inay arrintan u tageen Muqdisho si ay waanwaan uga galaan arrintan.

Diyaaradaan oo siday shixnado aan weli si rasmi ah loo shaacin nuucooda ayaa waxaa la sheegay in ay ka soo qaaday halka loo yaqaan Austand ee dalka Belguim iyadoo garoonka Qaahira shidaal dheeraad ah uga soo shubatay kadibna soo gaartay Soomaaliya. Nooca diyaaradda ayaa ahayd Air Bus 300, waxaana la shaaciyay inay shaqo ku laaban karin waxyeelada gaartay darteed.

GOOBJOOGE.COM

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON