Tuesday, June 24, 2025

Shaqo joojin lagu sameeyay Taliyihii Booliska degmada C/casiis iyo Askartii koontaroollada oo la xiray

 Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaciyey in shaqadii laga joojiyay taliyihii Saldhigga Degmada C/casiis, isla markaana la xiray askartii ilaalada ka ahayd Baraha Kantrolada degmadaasi, taasoo ka dhalatay weerarkii Alshabaab ku qaadeen Hotelka Elite ee xeebta Liido.

Taliyaha Ciidanka Booliska Jene Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa warbaahinta dowladda u sheegay tallaabda uu qaaday taliska ee shaqadii looga joojiyay taliyihii Booliska saldhigga degmada C/casiis, laguna xiray askartii ilaalinaysay baraha Kantrool sababo la xiriira weerarkii ka dhacay Elite Hotel.

Wararka ayaa sheegaya inuu weli socdo baaritaan ku aadan weerarkaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray in ka badan 60 qof.

Maleeshiyada Alshabaab ayaa weerar qarax uu ku bilowday ka geysatay Hotelka Elite ee xeebta Liido 15-kii Ogost 2020.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON