Sunday, July 6, 2025

Shariif Xasan iyo Maamulkiisa oo si weyn u taageeray go’aankii Baarlamnka ku laalay Golaha Wakiilada maamulka Jubba

Hogaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa soo dhoweeyay go’aanka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya  ka qaatay Golaha Wakiilada maamulka KMG ah ee Jubba oo cod ay u qaadeen maanta ku ansixiyay mooshinkii laga keenay ee ahaa inuu sharci darro yahay dhismaha Golaha Baarlamaanka Jubba.

shariif-iyo-madoobe

Qoraal laga soo saaray madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed ee magaalada Baydhaba ayaa lagu bogaadiyay tallaabada uu qaaday Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo lagu sheegay inuu yahay Baarlamaanka metela umada Soomaaliyeed sharciyadna u leh inuu go’aanadaasi qaato.

Qoraalka Shariif Xasan ayaa beesha Caalamka ugu baaqay inay ixtiraamaan go’aanka Baarlamaanka Soomaaliya oo ah hay’adda ugu sareysa  dowladda Federaalka.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa hore uga hor yimid dhismaha maamulka Jubba, iyadoo ay taasina xumeysay xiriirkii labada maamul. Axmed Madoobe ayaa Shariif Xasan ugu yeeray inuu joojiyo riyada maalmeed ee uu ku jiro kadib markii uuka jawaabay war ka soo yeeray K/Galbeed.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

[ad name=”HTML-6″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON