Sunday, July 13, 2025

Shariif Xasan oo diiday xubno dheeraad ah oo Beesha Ogaadeen laga siiyo Barlamanka K/Galbeed

Madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa diiday dalab ka yimid beelo gadoodsan oo sheegay inay degaan saddex degmo oo ka tirsan Gobolka Bakool, kuwaasoo sheegay inay ka baxayaan maamulka Koonfur Galbeed ama loo kordhiyo tirada xildhibaanada ay ku yeelanayaan Baarlamaanka K/Galbeed.

Shariif-Xasan

Waanwaan u socotay labada dhinac ayaa lagu kala tegay markii Shariif Xasan ku adkeystay inuusan Beesha Ogaadeen u heynin xubno ka badan intii uu hore ugu qoondeeyay degmada Ceelbarde, wuxuuna si cad ugu sheegay inay xor u yihiin degaanada ay ku leeyihiin inay ku darsadaan ciddii ay doonayaan.

Olole ay bilaabeen xildhibano kasoo jeeda Beesha Ogaadeen iyo siyaasiyiin ayaa weli ka socda gobolka Bakool qeybo ka mida iyadoo laga soo abaabulay magaalada Kismaayo. Shariif Xasan ayaa la siiyay 10 xubnood si uu ugu xaliyo beelaha  cabanaya ee aan nabad-doonada ku lahayn sadexda gobol.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON