Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan isbedelka ka dhacay hogaanka dalka ku tilmaamay dimuqaaradiyadda Soomaaliya inay shaqeyneyso.
Wuxuu Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed u diray farriin ku saabsan cidda loo magacaabayo dowladiisa cusubo, isagoo kula taliyay inuu magacaabp Ra’iisal wasaare tayo leh oo wax weyn ka qaban kara xaaladda dalka iyo isbedelka dhacay.
Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa madaxweyne Farmaajo ugu baaqay inuu si weyn uga fekero qofka uu u magacaabayo Ra’iisal wasaaraha dowladiisa. Wasiirada iyo Ra’iisal wasaaraha la sugayo ayuu u rajeeyay inay noqdaan dad shaqadooda gudan kara.
DHAGEYSO SHARIIF XASAN
Goobjooge.com