Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta xarunta maamulka ee magaalada Baydhabo ka furay Kalfadhiga afraad ee Baarlamaanka K/Galbeed.
Kulanka furitaanka baarlamaanka K/Galbeed waxaa soo xaadiray xildhibaanadii ugu badnaa ee maamulkaasi, waxaan joogay Gudoomiyaha Baarlamaanka C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye, Ku-xigeenada guddoomiyaha.
Shariif Xasan ayaa khudbadiisii in Baarlamaanka Koonfur Galbeed ay horyaalan howlo badan oo dhinaca maamulka iyo sharciyo isugu j leh, loona baahan yahay inay dardargeliyan.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo khudbad dheer u jeediyay Xildhibaanada, ayaa sheegay mudadii ay fasaxa ku maqnaayeen in Golaha Wasiirada ay qabteen shaqooyin muhiim u ah maamulka, isla markaana horumar ka gaareen arrimo badan.
Xildhibaanada Koonfur Galbeed ayaa qaarkood wada mooshin ka dhan ah Madaxweyne Shariif Xasan oo heysta guddoonka baarlamaanka, ayna dag tahay in laga hor yimaado, waxaase ololeyaal in muddo ah k socdeen magaalada Muqdisho.
SAWIRRO