Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa markii ugu horeysay ku hoyday degmada Xudur ee gobolka Bakool oo ka mida degmooyinka dhibaatooyinka badan ka soo gaareen kooxda Alshabaab muddo dheerna go’doon ku jirtay.

Shariif Xasan oo la sheegay inuu halkaas u tegay soo xulista xubnaha Baarlamaanka maamulkiisa oo xilligan qoritaankoodu socdo ayaa dhinaca kale ka hadlay dib u furista wadooyinka gobolka Bakool oo weli xiran iyadoo isu socodkuna liito.
Kulan dhex maray wafdiga Shariif Xasan iyo Saraakiisha AMISOM iyo ciidamada Milatariga Soomaaliya ayuu ka dalbaday in la isku furo wadooyinka gobolka Bakool ee xiran, waxayna saraakiisha ciidamada ka hadleen dhibaatooyinka heysta dhulka balaaran ee gobolka oo si buuxda aan loogu heynin ciidamo ku filan.
Madaxweynaha Koofur Galbeed wuxuu sidoo kale booqday degmada Tiyegloow ee Gobolka Bakool iyadoo odayaasha degaanka ay ku dhex jiraan xulista xildhibaanada maamulka Koonfur Galbeed.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]