Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa gudoomiye cusub umagacaabay Gobolka Baay.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Shariif Xasan ayaa guddoomiyaha Gobolka Baay u magacaabay Cali Wardheere C/raxmaan.
Gobolka Baay ayaa laba bilood guddoomiye la’aan ahaa, waxaana xilka hore isaga casilay C/rashiid C/llaahi Maxamed markii loo magacaabay Wasiirka cusub ee Gaashaandhiga Soomaaliya, iyadoo ay saaxiibo ahaayeen Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre .
Waxaa magacaabidda guddoomiyaha cusub ee Gobolka Baay lagu shaaciyay kulankii maanta ee Golaha Wasiirada maamulka Koofur Galbeed.