Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo xubno la socda oo isugu jira wasiiro, xildhibaano ayaa maanta tegay magaalada Baydhaba ee xarunta maamulkiisa isagoo marti gelinaya shirka Madasha Qaran.
Shariif Xasan ayaa ku maqnaa safar dibadda ah, waxaana Goroonka diyaaradaha magaalada Baydhabo kusoo dhoweeyey gudoomiyaha Baarlamanka K/Galbeed, wasiiro, xildhibaano iyo waliba taliyaasha ciidanka XDS kuwa nabad ilaalinta midawga Afrika ee AMISOM.
Shariif Xasan ay is markiina kormeer ku tegay goobaha loogu talagalay in lagu qabto shirka Madasha Qaranka ee beri lagu wado inuu ka furmo magaalada Baydhabo.
Madaxda maamulada ayaa lagu wadaa inay berito tagaan magaalada Baydhaba, waxaana shirka oo dib u dhacay muddo 2 maalmood ah lo sababeeyay maqnaanshaha Shariif Xasan.
Goobjooge.com