Friday, June 27, 2025

Shariif Xasan oo ku xayirmay dalka Imaaraadka Carabta, kana baaqday Xajkii sanadkan

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ku xayirmay dalka Imaaraadka Carabta isagoo doonayay inuu halkaasi ka aado Boqortooyada Sacuudiga si uu uga qeybgalo xajka sanadkan.

shariif-xasan

Shariif Xasan ayaa Muqdisho ka tegay maalintii 20-kii Bishan ka dhoofay garoonka Muqdisho kadib uu ka qeyb galay furitaanka shirkii wadatashiga oo lagu qasbay inuu joogo, laakiin waxay ku soo beegantay xilli ay xirmeen diyaaradihii Soomaalida ee qaadayay xujeyda sanadkan.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa u dhoofay dalka Imaaraadka Carabtay isagoo isku dayay inuu halkaas ka aado Sacuudiga, laakiin waxaa caqabad ku noqday qorsahaha xujeyda ee ah inuu qof waliba ka duulo halkii Fiisihiisa Xajka laga soo saaray, waxaana isku day badan kadib suuragal u noqday weyday inuu halkaas xajka ka aado.

Shariif Xasan ayaa la sheegay inuu kadib markii uu xayirmay uu iska sii joogay UAE, halkaasoo la filayo inuu dib uga soo laabto maalmaha soo socda.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-7″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON