Madaxweynaha maamulka KMG ah ee K/Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa lagu eedeeyay inuu faraha kula jiro howsha xulista xildhibaanada Baarlamaanka maamulkiisa oo shalay lagu dhawaaqay inay bilaabatay, isagoo odayaasha dhaqanka intooda badan saameyn ku leh.

Shariif Xasan ayaa la sheegay inuu saameyn weyn ku leeyahay odayaasha dhaqanka intooda badan oo ah kuwii isaga doortay, wuxuuna maanta ku wajahan yahay degmada Berdaale oo qaar ka mida odayaal ku kacsan uu kula kulmi doono.
Doorka wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Federaalka ayaa ah mid aad u kooban, waxaana kulan ay shalay yeesheen Wasiir C/raxmaan Odowaa iyo Shariif Xasan lagu heshiiyay in odayaasha dhaqanka loo madax bannaaneeyo xulista xildhibaanada Koonfur Galbeed.
Xildhibaada laga xulayo beelaha gobolada Bay iyo Bakool ayaa intooda badan ay u diyaarsan yihiin Shariif Xasan, laakiin waxaa muran badan ka taagan yahay gobolka Sh/hoose oo weli xiisad beeleed iyo dagaalo ka jiraan.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]