Xog laga helayo magaalada Baydhaba ee xarunta maamulka Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa sheegaya in maamulkaasi uu dhowaan yeelanayo madaxweyne ku xigeen.
Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ahaa madaxweyne Goboleedka kaliye ee aan lahayn ku xigeen intii uu xilka hayay muddo ka badan sanad ayaa hadda la sheegay inuu magacaabayo ku xigeenkiisa.
Xogta la helayo ayaa sheegeysa in Shariif Xasan Sheekh Aaden uu xilka Madaxweyne ku xigenkiis u magacaabi doono ninka lagu magacaabo Maxamed Xasan Fiqi oo xilligan ah Wasiirka Beeraha ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Ninkan ayaa ka soo jeeda Beesha Biyamaal, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda lagu dhawaaqo xilka madaxweynaha ku xigeenka Koonfur Galbeed.
Shariif Xasan ayaa beesha Dirta Koonfureed ka balanqaaday inuu xilkan siin doono muddo sanad ka badan, iyadoo aan la ogeyn xilliga uu ku soo beegi doono magacaabidda madaxweyne ku xigeenka Koonfur Galbeed.
Goobjooge.com