Madaxweynaha Koofur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa la sheegay inuu xilkii ka qaaday Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii oo ka mida guddoomiyayaasha ugu waqtiga dheer dalka oo xiriir soke la lahaa Itoobiya.
Munaasabad Munaasabad lagu qabtay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa la sheegay inuu Shariif Xasan ku shaaciyay xil ka qaadsita C/qaadir Siidii iyadoo lagu bedelay nin lagu magacaabo Ibraahim Aadan Cali.
Hadal uu Shariif Xasan ka jeediyay munaasabada ka dhacday Afgooye oo ahayd xil ka qaadista Siidii ayuu sidoo kale bogaadin u jeediyay Guddoomiyihii hore ee Gobolka C/qaadir Maxamed Nuur, isagoo sheegay inuu wax fiican kasoo qabtay Gobolkasi xilli adagna soo shaqeeyay, balse guddoomiyaha cusub Ibraahim Aadan ayuu kula dardaarmay inay sugeyso shaqo culus.
Lama oga inuu C/qaadir Siidii aqbali doono xil ka qaadista oo hore loogu qanciyay iyo in kale, waxaase cad inuu muddo dheer xilkaas hayay oo si weyn loogu dhaliilay muddooyinkii danbe safarro uu dibadda isaga maqnaa xilli ay xaalad adag ka jirtay gobokkaasi.
Goobjooge.com