Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa War kasoo saaray Sharciga muranka dhaliyey ee Jinsiga.
Guddoomiyaha oo khudbad ka jeediyey kulanka wadajirka ah ee labada Gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inaan Baarlamaanka la keeni karin sharci ka horjeeda diinta islaamka, balse ay jiraan warar been abuur ah oo la faafinayo.
Wuxuu caddeeyay in Dastuurka KMG ah ay ku caddahay in sharci kasta oo khilaafsan Diiinta Islaamka iyo maqaasideeda aan kla keeni karin Baarlamaanka, hadii la keenana ay celin doonaan Guddoonka.
“Waxaan caddeynayaa oon ballanqaadeynaa Waxaan Diinta islaamka waafaqsaneyn, Dastuurkeena iyo Shuruucda dalka aan waafaqsaneyn inaan Baarlamaanka la hor keeneynin.. mana dhici doonto umadda Soomaaliyeed 100% muslim ah ayaan meteleynaa..” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe oo aayado badna oo Qur’aan ah kusoo qaatay hadalkiisa.
Arrinta ku saabsan sharciga Jinsiga ee muranka dhalisay ayaa waxaa mar kale qarxisay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Federaalka Sacdiya Salaad oo ballanqaaday inay ansixin doonto sharcigaasi, eedeyn culusna u jeedisay culimada, taasoo dhalisay hadal hayn badan.
