Sheekh Dr. Cali Mohamed Saalix oo ka mida Culimada waaweyn e Soomaalida ugu caansan ayaa dadka Soomaalida u soo diray farriin, kadib markii uu ka bogsooday Cudurka Coronavirus.
Sheekha oo muddo la xanuunsanayey cudurka ayaa soo maray xaalad adag, isagoo salaaddaha ku tukan jiray fadhiga, raashinkiina uu qaadan waayey, sida uu soo kasoo weriyey Sheekh C/llaahi Sh. Xambali. Dad badan oo ku xiran baraha bulshada ayaa u duceeyay Sheekha inuu Alle ka qaado xanuunkaasi, isagoo ugu danbeyn xalay soo diray farriin uu ku sheegay inuu kasoo caafimaaday cudurka.
Farriinta Sheekha ayaa ahayd “Waxaan idinla jeclaaday nasteexada ah in GURYAHA LA FARIISTO… daawada gacantiina ayaa gacanta ku sita.. GURYAHA FARIISTA , hana bixina..”
HOOS KA DAAWO