Monday, June 23, 2025

Sheekh Caan ah oo si aan hore loo arag u taageeray xil uu magacaabay Ra’iisal Wasaare Kheyre

Sheekh Maxamed Idiris oo ka mida culimada caanka ah ee Soomaaliyeed ayaa si weyn u soo dhoweeyay magacaabidda Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre u magacaabay Mukhtar Xuseen Maxamed (Qooraansay) inuu noqdo Maareeyaha Mashruuca Aqoonsiga Qaranka (National ID Authority).

Sheekh oo ka mida culimada taageerta madaxda dowladda Soomaaliya ayaa ku bogaadiyey Ra’iisal wasaaraha in tallaabada uu qaaday ay ka mid tahay hawlaha wanaagsan ee loo qorayo Ra’iisulwasaare Xasan Cali Khayrre intii uu xilka hayey, wuxuuna si weyn u amaanay maareeyaha Hay’adda cusub ee Mashruuca Aqoonsiga Qaranka.

“Eng. Mukhtar inta aan ka aqaanno, horayna aan mar u sheegay, waa nin dhalinyara ah, hawl kar ah, aqoon iyo xirfad u leh shaqada uu qabanayo, gaar ahaan dhismaha hay’adaha iyo mu’asasaadka, dalkiisana jecel inuu wax u qabto, muddo 6 sano ka badan ayuu hay’adda canshuuraha ee Norway jaga fiican oo lagu jecelyahay ka hayey, dalkiisa inuu u shaqeeyo ayuuna ka door biday! Ilaahay xilkaas ha u fududeeyo..” ayuu yiri Sheekh Maxamed Idiris.

Wuxuu ka hadlay muhiimada ay leedahya dhismaha Hay’adda Aqoonsiga Qaranka (National ID), isagoo bixiyey faallo aysan bixin xukuumadda, wuxuuna qoraalkiisa ku yiri: “Waxaa dalka iyo dadka soomaaliyeed kaga xiran hawlo aad u fara badan, oo ay ugu horrayso, aqoonsiga dhabta ah, dhalashada, guurka, dhimashada, bangiyada iyo xawaaladaha oo waayahan dambe ku rafaadsan shardiga ah iney aqoonsi u helaan macaamiishooda Soomaaliya, ama xisaabaadka laga xiro, iyo hawlo kale oo badan”.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON