Friday, June 27, 2025

Sheekh Mukhtaar Roobow oo laga sugayo inuu isu dhiibo maamulka Koonfur Galbeed [Dhageyso]

Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa baaq u diray xubnaha ka tirsan Alshabaab inay isu soo dhiibaan maamulkaasi iyadoo cafis guud loo fidiyay.

Wasiirka Hub ka dhigista iyo dhaqanka celinta Maleeshiyaadka Maamulka Koonfur galbeed Soomaliya Xasan Maxamed Xuseen Xasan(Eeleey) oo shaaciyay in dhammaan dadka ku maqan duurka ay is dhiibaan.

Wasiirka ayaa sheegay inay soo dhowyenayaan Afhayeenkii hore ee Xarakada Al-shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo ku dhuumaaleysanaya Gobollada Bay iyo Bakool, kadib khilaaf keenay in la khaarijiyo madax sare oo ka dhashay xarakada Alshabaab.

Sheikh Muktar Robow Abuu Mansuur, a senior official of the Al-Shabaab group, walks along the frontline, north of Mogadishu, June 29, 2010. REUTERS/Omar Faruk (SOMALIA – Tags: POLITICS CIVIL UNREST)

Marar badan ayaa hore loo sheegay in maamulka Koonfur Galbeed iyo Sheekh Mukhtaar Roobow ay wadahadallo u socdaan inkastoo aan la ogeyn halka xaaladu ku dambeysay. Sheekh Roobow ayaa khilaaf soo dhex galay Alshabaab uga baxsaday kooxdaasi oo dil ku xukuntay xubno uu ka mid yahay iyadoo aan warkiisa la maqlin muddo dheer.

DHAGEYSO

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON