Wararka laga helayo magaalada Baydhaba ayaa sheegay inuu halkaasi gaaray Sheekh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur).
Sheekh Roobow oo ka tegay Muqdisho ayaa waxaa si weyn loogu soo dhoweeyay Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay, waxaana garoonka Shaatigaduud uga hortegay mas’uuliyiin iyo dadweyne.
Muqtaar roobow ayaa ka tegay Magaalada Muqdisho oo maalmihii u dambeysay uu ku sugnaa, iyadoo aan wax war ah laga soo saarin halka uu ku danbeeyay wadahadalkii u socday dowladda federaalka.
Ma aha markii ugu horeysay ee Sheekh Mukhtaar Roobow uu tago magaalada Baydhaba, iyadoo dhowr jeer hore loogu soo dhoweeyay halkaasi.