Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa qoraal uu soo saaray caawa ku sheegay in wadahadalkii ay isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh ku yeesheen Magaalada Nairobi ay xal ku gaari waayeen.
Sheekh Shariif ayaa war-saxaafadeedkiisa ku sheegay in Odayaashii kulanka soo qabanqaabiyay ay u daayeen wadahadalka iyo xallinta arrimaha jira inaan isla meel dhigno sida uu Madaxweynuhu codsaday, isaguna uu kulanka ku tagay niyad wanaag iyo in laga wadahadlo arrimaha Dastuurka, arrimaha siyaasadda iyo khilaafka Puntland.
HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA SHEEKH SHARIIF
Sida ay la socdaan Shacabka Soomaaliyeed, waxaa jirey kulan kadhacay magaalada Nairobi, oo ay ujeeddadiisu ahayd sidii xal looga gaari lahaa arrimaha masiiriga ah ee dalka, kaas oo ay soo qaban-qaabiyeen qaar ka mid ah odayaasha Dhaqanka iyo Waxgarad.
Marka hore, waxaan mahad aan la soo koobi karin u jeedinayaa madax dhaqameedkii iyo waxgaradkii sida hagar la’aanta ah ugu istaagay isku soo dhaweynta aragtiyada kala duwan. Waxaan leeyahay Ilaahay ha idinka abaal mariyo.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Aniga Odiyaashu waxay noo daayeen wada hadalka iyo xallinta arrimaha jira inaan isla meel dhigno sida uu Madaxweynuhu codsaday, Aniguna Kulankaas waxaan ku tagay niyad wanaag iyo in xal laga gaaro arimaha lagu kala aragtida duwanyahay kuwaasoo kala ah seddexda arrimood ee hoos kuxusan:
1. Arimaha Dastuurka
2. Arimaha Siyaasada iyo Mustaqbalka Dalka
3. Khilaafka DFS & Dowlad Goboleedka Puntland
Dood dheer kadib, xal waan ka gaari weynay dhamaan qodobadii aan ka doodney, Waxaan rumeysanahay mabda’a ah in khilaafaadka siyaasadda lagu xalliyo wadahadal iyo is qancin, marxalada adag ee uu maanta dalku maraayana ay tahay lagama maarmaan ilaalinta midnimada iyo wadajirka Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed.
Mar kale, waxaan u mahad-celinayaa Waxgaradkii iyo Ganacsatadii dadaalka iyo dhaqaalahaba ku bixiyey in xal laga gaaro khilaafaadka jira.
MAHADSANIDIIN
Sharif Sheikh Ahmed