Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada, ahna madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa sheagay inay dib u dhigeen dhismaha xisbigii mideyn lahaa xubnaha lixda xisbi ee ku mideysan Madasha Xisbiyada Qaran duruufaha jira ee Covid-19 dartood.
Qoraal ka kasoo baxay Madasha ayaa sidoo kale lagu sheegay in duruufaha dalka ka jira iyo cudurka Coronavirus dartiis dib loogu dhigay shir weynihii ay isugu imaan lahaayeen hoggaanka lixda Xisbi, iyadoo dib laga soo sheegi doono waqtiga iyo goobta uu ka dhici doono kulanka xisbiyada Madasha Qaran
