Sheekh Xasan Daahir oo ka mida culimada xagjirka ah ee Soomaalida oo xabsi guri ugu jira dowladda Federaalka Sooomaaliya ayaa go’aan la yaab leh ka soo saaray kooxda dhowaan soo shaac baxday ee As-saaciduun Bilxaq.
Video cusub oo laga soo duubay Sheekh Xasan Daahir ayuu ku sheegay inuu si weyn u yaqaano hogaamiyaha kooxdan iyo ninka Soomaaliya u qaabilsan, wuxuuna caddeeyay inay yihiin koox takfiir ah oo dadka muslimiinta ah gaaleysiisa isagoo canbaareeyay fahamkooda khaldan ee dhinaca diinta.
Sheekh Xasan Daahir ayaa muuqaalka laga soo duubay ku sheegay inuu aqoon u leeyahay amiirka kooxdan ee reer Masar Mistafa Kamil iyo ninka u qaabilsan Soomaaliya Cusmaan Cabdulle Rooble.
Wuxuu soo jeediyay inaan kooxda wax dil ah loo geysan, xabsi la dhigin, isla markaana ciriiri la gelin, balse culimada diinta ay la doodaan oo afkaartooda dood lagala yeesho.
“40 sanadood ayay aamusnaayeen, maxaa yeelay anagaa ku aamusinay oo caddeynay fekerkoooda, lana doodnay oo caddeynay xaqiiqadooda..” ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir.
Sheekh Xasan Daahir ayaa u muuqda inuu jebinayo xabsi guriga uu ku jiro muddo sanado ah, isagoo isku dayaya inuu saameyn ku yeesho dhacdooyinka dalka ka socda. Waa warkii labaad ee dibadda u soo baxa tan iyo intii ay xabsi guriga gelisay dowladda Federaalka.
Goobjooge.com