Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mida culimada Soomaaliyeed ee ka mid ahayd Alshabaab iyo Xisbul Islaam, xabsi gurina ku jira magaalada Muqdisho ayaa markii labaad si toos ah uga soo muuqday baraha bulshada.
Sheekha ayaa ka hadlay culimo fadhigoodu yahay dalka Kenya oo arrimo dhex mareen, sida Sheekh Shibilli, Sheekh Umal iyo Sheekh Xassaan, isagoo faahfaahin ka bixiyay arrimo diini ah oo lagu fogeeyay.
Sheekh Xasan Daahir ayaa hadalkiisu ahaa mid ku wajahan culimo ay isku hayeen arrimo diini ah oo xaaladiisa wax ka sheegay inaysan uga soo jawaabin su’aalo iyo caddeymo uu ka dalbaday.
Sheekh Xasan Daahir ayaa khudbadiisa ku socotay hadallo iyo jawaabo kasoo yeeray Sheekha muranka badan dhaliyay ee Xassaan Xuseen, isagoo ka jawaabay arrimo dhowr ah oo uu Sheekhu ku weerraray.
HOOS KA DAAWO VIDEO