Sunday, July 13, 2025

Sheekh Yuusuf Al-Qardaawi: “Qudus Difaaceeda waa laga rabaa Muslimiinta oo dhan…” FARRIIN

Guddoomiyaha Hay’ada Culimada muslimiinta Sheekh Yuusuf Al-Qardaawi ayaa farriin uu soo diray oo ku saabsan xaaladda magaalada Qudus ku sheegay in difaaceeda uu saaran yahay dhammaan dadka Muslimiinta ah.

“Qudus kaliya ma laha dadka Falastiiniyiinta ah, inkastoo ay yihiin dadka ugu xiga, Carabtana keligeed ma laha inkastoo ay yihiin dadka ugu horeeya ee difaaceeda waajibka ku yahay. Qudus waa leh dhammaan Muslimiinta Bari iyo Galbeedka, Waqooyi iyo Koofurta dunida ku nool, ha ahaado madax, shacab mid aqoon leh iyo mid jaahil ah, faqiir ama hodon, Rag iyo haween…” ayuu farriintiisa ku yiri Sheekh Qardaawi oo fadhigiisu yahay magaalada Doha ee dalka Qatar.

Sheekh Qardaawi ayaa is weydiiyey halka ay jirto umaddii islaamka iyo sababta ay u kici la’ yihiin oo ay MAYA u oran waayeen Yahuudiyeynta Qudus, wuxuuna sheegay inaysan suuragal ahayn in laga aamuso xaaladda Qudus.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON