Tuesday, June 24, 2025

Shiinaha oo shaaciyey Kaniini loo adeegsan karo daaweynta Cudurka COVID-19 ee Coronavirus-ka.

Shiinaha ayaa shaaciyey kaniini lagu daweyn karo cudurka uu keeno Coronavirus ee COVID-19 kadib markii lagu tijaabiyey dad fara badan oo cudurkan qabay, lagana dareemay natiijo wanaagsan.

Kaniinigan oo lagu magacaabo ‘Favipiravir’, ayaa ah kaniini hore loogu isticmaali jiray hargabka iyo qandhad, wuxuuna muujiyey inuu waxtar weyn u leeyahay bukaanada qaba cudurka Cronavirus, iyadoo tijaabada kaniinigan ay qeyb qaateen 35 bukaan oo ku sugnaa isbitaalka Shenzhen, sida uu sheegay agaasimaha xarunta Qaran ee Shiinaha u qaabilsan Daawada Zhang Xinmin.

Kaniiniga Favipiravir, ayaa isticmaalkiisa laga bilaabay dalka Japan sanadkii 2014, waxaana la sheeegay inuusan lahayn wax sameeyn ah markii lagu tijaaabiyey, 35 bukaan oo qaba COVID -19, kana mid ahaa 80 bukaan oo tijaabooyin lau waday, waxaana ku bogsooday, lagana waayey cudurkii bukaanadii la siiyey Kaniinigan, iyadoo la filayo in hadda kadib lagu daro daawada la siiyo bukaanka qaba cudurkan.

Isbitaalka Zhongnan ee raacsan jaamacadda Wuhan University ayaa soo jeediyey in Favipiravir uu ka waxtar badan yahay dawooyinka kale ee loo adeegsaday cudurka Coronavirus.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON