Thursday, June 26, 2025

DAAWO LA-YAABKA: Shiinaha oo soo bandhigay Mashruuc lagu soo saarayo “Baska Duula” ee Rakaabka

Shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha ayaa soo bandhigay qorshe la yaab leh oo lagu farsameynayo Basas waaweyn oo loogu magac daray “BASKA DUULA” kuwaasoo  loogu talogalay inay yareeyeen ciriiriga (jamka) ka jira wadooyinka dalka Shiinaha.

Baskan waa  mid aad u weyn  oo qaadi kara ilaa 1200 rakaab dhan, wuxuu ku shaqeynayaa koronto, isla markaana wuxuu marayaa Wadooyinka Caadiga ah isagoo ku cararaya labada dhinac ee wadooyinka oo loogu sameeyay  biro uu dul cararo, waxaana la yaab leh in Baska Duula aanu waxba u dhimeynin baabuurta caadiga ah isagoo aad uga sareeya oo jidadka sidiii caadiga ahayd  ay u marayaan, kaliya waxa lagu soo kordhiyay ay tahay inuu dhincyada wadooyinka baaruurta dushooda ku socdo.

Fekradan Shiinuhu la yimaadeen waxaa bishan lagu soo bandhigay bandhigga farsamada casriga ah ee ka dhacday magaalada Beijing. Wuxuu la mid yahay tareenada dheereeya laakiin aad ayuu uga baaxad weyn yahay, wuxuuna adeegsanayaa wadooyinka jira oo kaliya lagu kordhinayo dhisme u gaara.

Baskan wuxuu socon karaa saacadii 60 KM, iyadoo gaadiidka iyo baabuurta kale ay Baska hoostiisa mari karaan ayuu sheegay Injineerka u sareeya shirkadda aliftay Baskan inuu wax weyn ka bedelayo dhibaatada ka jirta ciriiriga wadooyinka Shiinaha, isla markaana uu ka qiime jaban yahay tareenka wadadda hoostiisa mara soo saarkiisa.

Basaska ugu horeeya ee noocan ah ayaa lagu bilaabi doonaa magaalada xeebta ku taalla Qinhuangdao oo 300 KM u jirta caasimadda Beijing. Waxaa tallaabadan si weyn looga soo dhoweeyay dalka Shiinaha oo noqday dalka ugu weyn dunida ee baabuurta ugu badan ay yaallaan. Sanadkii ugu danbeeyay ee 2015 Shiinaha waxaa lagu iibiyay 21.1 Bilyan oo baabuur rakaab ah.

Baska-duula-02

Baska-duula-03

Baska-duula-01

DAAWO VIDEO

https://youtu.be/APybYjcm_j4

XULASHADA JIMCAHA

GOOBJOOGE.COM

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON