Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali oo ay wehliyaan wasiiro ka tirsan xukuumadiisa ayaa kulan la yeeshay wafti ka socday Shiinaha oo uu hoggaaminayey ergayga Shiinaha u qaabilsan Golaha Xiriirka Shiinaha iyo Afrika Liu Guijin oo socdaal ku yimid Muqdisho.
Shiinaha ayaa balanqaaday caawinaad kala duwan oo Soomaaliya uu siiso siiba dhinacyada horumarinta iyo warshadaha, waxaana intaas ka hor ay dowladda Shiinaha ku howlan tahay sidii Soomaaliya loogu biirin lahaa Golaha Xiriirka Afrika iyo China oo ah Gole dalalka Afrika uu Shiinuhu u soo mariyo mashaariicda taageerada ah.
Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Dowladda Shiinaha ay arrintaasi ku howlan yihiin, markii Soomaaliya ay ka mid noqoto golahaasina ay Shiinaha ka heli doonto Mashaariicda ay Shiinuhu ku hormarinayaan Afrika, siiba dhinacyada hormarinta Xoolaha, Kaluumaysiga iyo Waxbarashada.
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Khalid Cali Cumar ayaa isna sheegay in Soomaaliya ay bilowday qaabkii ay uga mid noqon lahayd Golaha Xiriirka Shiinaha iyo Afrika, ayna ka qeyb geli doonto sanadkan dhammaadkiisa shir heer wasiir ah oo ka dhaci doona dalka Koonfur Afrika.
Ujeedada wafdiga Shiinaha ayaa la sheegay inay ahayd qiimeynta sidii ay Soomaaliya ugu biiri lahayd Golaha Xiriirka Shiinaha iyo Afrika oo la asaasay sannadii 2000.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]
[ad name=”HTML-6″]